Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti : Al-shabaab ayaa mas’uul ka ah dhibaatada Soomaailya

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012

Muqdisho : HN :  Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Arnaa’uud Cali oo maalintii shalay gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in ay mas’uul ka tahay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya marxaladihii colaadeed ee uu dalku soo maray ay mas’uul ka yihiin rag wadaado sheeganaya, oo diiday umadda Soomaliyeed xasilooni iyo nabad-galyo.

‘’Al-shabaab dadka si bilaash ah ayeey isaga laayaan ama malaa-yacni, wax loo baahan yahayna ma’aha arintaa ayuu yiri,’’ guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti.

Waxaa uu sheegay in xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay howshana ku darsadaan wacyi galin loo dameynayo dhalinyarrada yar yar oo ay qaldayaan sida uu hadalka u dhigay raga magaca diinta siyaasada ku doonaya in ay ku galaan.

Hadalkan ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti wuxuu ka sheegay  xarunta baarlamaanka Soomaaliya kadib markii maalintii shalay ahayd uu safar ku yimid magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!