Guddoomiyaha baarlamaanka oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Nov 23, 2014

Muqdisho : HN :– Pro Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib boqoasho labo cisho ah oo uu ku joogay dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha ayaa Jicmihii aynu soo dhaafnay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu shalay kaga qeyb galay Jabuuti Munaasabad lagu furayay Xarun cusub oo uu yeesho Baarlamaanka dalka Jabuuti, iyadoo munaasabadaas ay ka qeyb galeen madax fara badan.

Gudoomiye Jawaari iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana xubnaha soojwr dhoweeyay ka mid ahaa Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa uga digay Xildhibaanada fowdada iyo buuqa wada inay maalinta berri mar kale carqaladeeyaan kulanka Baarlamaanka, iyadoo la horkeenayo mooshinka kalsooni kala noqoashada Xukuumada uu hogaamiyo C/wali Sheekh Axmed.

Maalinta barri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu dhaco kulanka Baarlamaanka oo labadii jeer ee u dambeysay u baaqday buuq iyo fowdo, waxaana berri lagu wadaa in la horkeeno Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha, si Xildhibaanada loogu qeybiyo.

Dhinaca kale Xildhibaanada labada garab u kala qeybsamay ayaa maanta shirar gaar gaar ah ku lahaa Hotelo ku yaal magaalada Muqdisho, iyadoo looga arrinsanayay kulamadaas waxa ay ka yeeli doonaan kulanka maalinta berri.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!