Guddoomiyaha baarlamaanka oo eedeeyay xukuumada federaalka

by admin | Monday, Sep 29, 2014

Muqdisho : HN :– Pro Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa si adag u dhaliilay wasiirro ka tirsan xukuumadda oo u sheegay inay caadeys-teen bixinta hantida qaranka.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in ay jiraan wasiirro sidda uu hadalka u dhigay caadeystay in ay  hantida Qaranka bixiyaan iyagoon wax aqbalaad ah ka heysan xildhibaannada Soomaaliya,waxuuna ugu baaqay inaysan aqbali doonin inay dhacdo wasiir danbe oo bixiya hantida Soomaaliya.

“Hal Wasiir ma bixin karo hanti ma guurto ah, way soo badatay in Wasiirada ay si gaar ah u bixiyaan hantida ma guurtada ah, iyadoo aysan ansaxin ka heysan Golaha Shacabka.” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Sopmaaliya.

Waxuu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya inay socdaan qorshaal lugu raadinayo sidii ay u soo celin lahaayen hantidaprof-jawaari Qaranka uu lee yahay ee maqan, ha yeeshee ay Wasiiradiina bixinayaan hantida intii gacanta dowladda ku jirta.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa soo celinta hantidii Qaranka ee maqneyd, iyagana waxay rabaan inay bixiyaan intii la haayay, oo Qaranka uu lahaa.” waxaa sidaasi yiri Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya.

Docda kale,waxuu sheegay guddoomiye Jawaari inay samaynayaan Maxkamada Cadaalada Sare, iyadoo lagu ciqaabi doono Madaxda Dowladda, haddii ay khalad ku kacaan.

“Waxaan dhiseynaa Maxkamada Cadaalada Sare si loogu ciqaabi masuul kasta oo Dowladeed, haddii khalad uu sameeyo, walaa Madaxweynaha, Wasiirada, Xildhibaanada dhammaan wax la dhaafaayo ma jirto.” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Waa markii ugu horreeysay oo u guddoonka baarlamaanka ku eedeyey wasiirrada xukuumadda Soomaaliya inay si iskood ah u bixiyaan hantida qaranka oo ka dhaxeysa ummadda Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!