Guddoomiyaha baarlamaanka oo fariin u dirray xukuumada

by admin | Thursday, Sep 17, 2015

Muqdisho : HN :– Prof Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay Baarlamaanka ku hor-keento sharciga Axsaabta Siyaasada.

 

Guddoomiyaha oo ayaa maalintii shalay fariintan ka hor sheegay fadhigii  ay yeesheen xubnaha gollaha baarlamaanka ee lagu meelGuddoomiyaha-baarlamaanka-Soomaaliya-Maxamed-Cusmaan-Jawaari mariyay Golaha Wada tashiga Hiigsiga sanadka 2016.

“Waxaan Xukuumadda ku wargelinayaa in sharciga Axsaabta siyaasada dalka ay muddo sodon maalin ama bil ay ku horkeenaan Baarlamaanka si horay loogu sii socdo”ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay inay wada tashi kala sameyso qeybaha bulshada kala duwan, si sharcigaas muhiimka uu noqdo mid dalka ka hirgela

Xisbiyo siyaasadeed ayaa horay loogaga dhawaaqay magaalada Muqdisho iyo meelo kale, inkastoo aysan wali sharciyadii loo baahnaa ka helin Baarlamaanka, isla markaana qorshuhu yahay in loo gudbo nidaamka xisbiyada badan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!