Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku dhawaaqay tirada xildhibaannada codeyneysa

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa xarunta gollaha shacabka waqtigan ka soconaya tirinta codadka xildhibaannada ee ku aadan mooshinka kalsooni kala noqoshada ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, waxaana uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka in ay xaadir yihiin ilaa 232 xildhibaan, laakiin ay codeynayaan sidda uu hadalka u dhigay 235 xildhibaan oo ay ka mid yihiin labada guddoomiye ku-xigeen iyo hab-dhowraha baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa saf saf u codeynaya, waxaana bilaabatay codeynta safka koowaad oo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu weydiinayojwr inta taageersan in mooshinka ee xukuumada in kalsoonida lagala noqdo.

Howl-wadeenada baarlamaanka ayaa ku guda jira tirinta  codadka safkii ugu horeeyay, iyadoo u soo gudbinaya Gudoonka, waxaana codeyn doona ilaa 7 saf oo ay u kala fadhiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wixii ka soo kordha kala socon Hiiraan Net.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!