Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku howlan xal u helida khilaafka madaxda sare ee dalka

by admin | Wednesday, Nov 5, 2014

Muqdisho : HN :– Xili aad moodo in uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare C/wali, ayaa hadda dhinaca kale waxaa soconaya dadaal xoogan oo uu guddoomiyaha baarlamaanka ugu jiro siddii loo soo afjari lahaa khilaafka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo dareensan halka dhibaatadu ka abuuran tahay in ay aheyd isku shaadheyntii uu sameeyay ra’iisal wasaaraha ayaa wadda qroshe la doonayo in  shaandheyn guud lagu sameeyo golaha wasiirada, arintaasna ay si wadajir ah uga shaqeeyaan labada masuul si loo helo xukuumad lagu wada qanacsan yahay.

Waxaa qorshahan uu dhigayaa in raisul wasaaraha uu ka tanaasulo isku shaandheyn kooban oo uu dhowaan ku sameeyey golihiisaJawaariSomali_PM_Speaker wasiirada, madaxweynaha dhinaciisana uu aqbalo in la sameeyo isku shaandheyn cusub.

Ujeedada qorshahan ayaa sidoo kale la doonayaa in looga baaqsado mowshin laga keeno ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed, kaasoo ololihiisa maalmihii u dambeeyay uu ka socday Muqdisho.

Lama oga sida ay qorshahan cusub u arkaan madaxweynaha iyo raisul wasaaraha hase ahaatee culeysyo xoogan oo ka imanaya beesha caalamka awgeed ayaa laga yaabaa iney ogolaadaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegayaa inuu ka niyad jabay abaabulka mowshin dar-dar xoog leh ku socday oo uu ku doonayey in meesha looga saaro raisul wasaare C/wali Shiikh Axmed ka dib markii arintaas ay si toos ah uga hor timid beesha caalamka.

Raisul wasaaraha ayaa la sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin mowshinka laga diyaarinayey, isagoo isku haleynaya taageerada beesha caalamka, waxaana la sheegay in xitaa uu diiday inuu qarash ku bixiyo sidii loo heli lahaa xildhibaano ka difaaca mowshinka isaga ka dhanka ah ee la abaabulayo.

Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha oo khilaafkoodu in muddo ah si hoose u soo jiitamayey ayaa dibeda u soo baxay 10 cisho ka hor markii madaxweynuhu uu ku gacan seyray isku shaandheyn kooban oo raisul wasaaraha uu ku sameeyey golaha wasiirada taasoo saameysay xubno ku jiray golaha oo saaxiibo dhow la ah madaxweynaha.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!