Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku sii jeeda Jowhar

by wadani | Sunday, Oct 9, 2016

Jowhar : HN :-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa la filayaa maanta oo Axad ah inuu tago Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolkaasi Shabellaha Dhexe.

Ujeedka uu u tagaayo Guddoomiye Jawaari Magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay inay tahay in maanta lagu wado in lagu dhawaaqo Xildhibaanada cusub ee uu yeelanaayo Maamulka Hirshabelle ee Dhismihiisa ka socda Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya uu goobjoog u ahaan doono ku dhawaaqista iyo dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Jowhar, ayaa soo sheegaya in loo diyaargaroobay soo dhaweynta Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka ee la filaayo inay gaaraan maanta Magaaladaasi.

Diyaarinta munaasabadda dhaarinta xildhibaannada Hirshabelle ayaa ka socota hoolka shirarka degmada Jowhar, iyadoo lasoo bandhigi doono dhammaaan xildhibaannada, kadibna halkaasi lagu dhaarin doono.

Ugu danbeyntii, sidda qorshaha uu yahay xildhibaannada Hirshabelle ayaa ugu dambeyn 15-ka bishan waxay dooran doonaan madaxweynaha maamulkaasi.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!