Guddoomiyaha baarlamaanka oo la kulmay qaar ka mid ay safiirada caalamka ka jooga Muqdisho

by admin | Tuesday, Mar 17, 2015

Muqdisho : HN :–Guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ku qaabilay xafiiskisa qaar ka mid ah safiirada wadamada shisheeye ee iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan Gudoomiyaha Barlamaanka Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” uu maanta kula qaatay xafiiskiisa safiiradda Soomaaliya u fadhiya qaar kamid ah dalalka iyo hay’adaha Caalamka sida Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti Danjire Dayib Dubbad Rooble ,Sweden, Switzerland iyo Eregayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholos Kay,ayaa looga hadalyey sidii ay gacan kaga gaysan lahayeen hirgalinta hiigsiga 2016-ka.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha horyaala Baarlamaanka Soomaaliya islaDSC09394 markaana looga fadhiyo in ay ku qabtaan Kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka oo dhowaan lagu wadao in uu furmo.

Afhayeenka Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” ayaa mid mid ula kulmay safiirada uu maanta waxaayna is dhaafsadeen qaabka ay dowlada Soomaaliya ugu guulaysan karto hirgelinta hirgalinta 2016-ka iyo doorka kaga aadab in dalalka iyo hay’adaha caalamka ay qeyb ugu qaadan lahaayeen howshaasi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!