Guddoomiyaha baarlamaanka oo laga yaabo in uu gaaro Garaawe

by admin | Saturday, Oct 11, 2014

Garoowe : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horreeysay booqanaya dhulka Puntland gaar ahaana magaalada caasimada ah ee Garoowe.

Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka,Mahad Cabdalla Cawad ayaa xalay ka sheegay munaasabad loo qabtay madaxda faderaalka ee u horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan Garoowe.

“Guddoomiya iyo wafdi kale oo baarlamaanka ah ayaa ku soo wajahan Garoowe,wuuna imaanaya,”ayuu yiri guddoomiye Cawad.

Mahad Cabdalla Cawad waxuu sheegay inuu ka qayb-gali doono guddoomiye Jawaari fadhiyada ay qaadanayaan baarlamaanka Puntland.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa dhankiisa xaqiijiyay safarka guddoomiyaha baarlamaanka uu kuprof-jawaari imaanaya Puntland,waxuuna ku taarikheyay 25/10/2014 xilligas oo u sheegay qorsha inuu yahay Jawaari inuu tago Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka furmaya shirar la doonayo in xal looga gaaro khilafka Puntland iyo dowladda faderaalka,kaas oo la sheegay haddii la isku fahmo inuu dhalin karo isku soo dhawan shiyo labada dhinac ah.

Madaxda faderaalka ayaa sheegay inay doonayan in la soo gaba gabeeyo khilafka iyo tabashada Puntland,halka sidoo kale madaxweyne Gaas u sheegay inay diyaar u yihiin in wada-hadal lugu dhammeyo.

Dad badan ayaa u arka inay wanajin doonto xiriirka faderaalka iyo Puntland booqashada ay ku imaanaya magalaada Garoowe madaxda faderaalka.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!