Guddoomiyaha baarlamaanka oo lagu buuqay iyo fadhiga oo wali cakiran

by admin | Monday, Nov 24, 2014

Muqdisho : HN :– Xaalada xarunta gollaha shacabka ayaa wali ah mid qasan,waxaana goor dhaw xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka ay ku buuqeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo gudaha u soo gallay fadhiga, taasoo keentay in guddoomiyuhu uu dib ugu laabto xafiiskiisa ku yaalla gudaha xarunta gollaha shacabka.

Mudanayaasha sidda weyn uga soo horjeeda mooshinka ayaa qas iyo fowdo ka dhax wadda fadhiga, waxaana lagu arkayaa gudaha xarunta  warqado kala duwan oo la jeex-jeexay, waxaana ka mid ah warqadahaas kuwii ay ku qornaayeen mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha.

Guddoomiye Jawaari wali kuma uusan guuleysan in uu xaalka xildhibaannada kacsan uu dajiyo, waxaana ay sitaan boorar ay ku qoran658 yihiin hal ku dhagyo kala duwan oo ay ka mid yihiin aan wadda tashano iyo erayo kale.

ilaa iyo hadda ma jirto tallaabo uu qaaday guddoomiyaha, sadaashana marka aad eegto xaalada waxaa ay u eg tahay in fadhiga maanta mar kale lagu kala dareeri doono, iyadoo aan la qeybin mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare C/wali.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!