Guddoomiyaha baarlamaanka oo maxkamada sare u gacan galiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha

by admin | Wednesday, Sep 2, 2015

Muqdisho : HN:– Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud meel sare gaartay, kaddib markii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mooshinka u gacan galiyay madaxkamada sare si ay go’aan uga gaarto.

Warar laga hellayo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan saacado badan qaatay uu xalay halkaa ku Jawari-Jeylaani-iyo-mahaddhaxmaray madaxweyne Xassan Sheekh iyo guddoonka baarlamaanka, hasse ahaatee leysku afgaran waayay, waxaana ilo wareedyo ku dhow dhow Guddoonka ay xaqiijiyeen in Madaxweynuhu aanu markii hore raali ka aheyn in Guddoonka qabto mooshinka, isla markaana uu saluugsanaa in Maxkamadda loo gudbiyo.

Kaddib mariii leysku fahmi waayay kulanka ayeey xubnaha guddoonka baarlamaanka la kulmeen Xildhibaanadii mooshinka keenay, iyagoo ka wada hadlay qaabka suurta galka ah ee arrintan loo maareyn karo, kadib markii mudadii uu guddoonka uu hor-yaallay mooshinka xal la gaari waayay.

Inkastoo Maxkamadda sare aanay si rasmi ah u shaacin in mooshinka ka dhanka ah ee eedeymaha culus ku xusnaa ay qabatay iyo in kale, hadana Guddoonka Baarlamaanka doonayay in maadaama aanay Maxkamad Dastuuri ah jirin in mooshinka loo gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka, si ay go’aan uga gaarto.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddoonka Baarlamaanka uu doonayo in arrinta mooshinka xal looga gaaro banaanka Baarlamaanka, si aanay hadhow u dhicin buuq iyo qalalaase, waxaana uu doonayaa in arrintan si mideysan uga hadlaan labada dhinac.

Dhinaca kale kadib markii ay soo baxday in guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay  maxkamadda sare mooshinka madaxweynaha ayaa waxaa maanta guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen kulamo aan dhamaad laheyn la lahaayeen Xildhibaanada, Wasiirada iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Kulamadan ayaa ahaa kuwo looga hadlayay waxyaabihii ku soo kordhay mooshinka oo hada u muuqda in marxalad cusub oo ka duwan tii hore uu galayo, iyadoo Xildhibaano ka badan 100 Xildhibaan ay habeen hore u gudbiyeen Guddoonka mooshin talo soo jeedin ah oo lagu laalayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee arrinta cusub ee ku soo korortay mooshinka Madaxweynaha ayaa loo arkaa inay xiisad cusub oo siyaasadeed ay keeneyso, iyadoo horay walaac looga muujiyay xiisadaha siyaasadeed ee uu dalku galay tan iyo markii Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyay Mooshinka xil ka qaadida Madaxweynaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!