Guddoomiyaha baarlamaanka xubno beesha caalamka ka tirsan kala hadllay khilaafka

by admin | Sunday, Nov 9, 2014

Muqdisho:HN:–Guddoomiyaha  baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali galaan-gal xoog leh ugu jira siddii xal loogu heli lahaa khilaafka baahsan ee xiligan ka dhax jira madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed oo hadda gaaray heer mooshinno iska soo horjeeda loo soo kala dhiibo xildhibaannada.

Hadaba Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo maalintii shalay kulan la qaatay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo uu kala hadllay in ay dibada iska taagaan khilaafka jira, ayaa dhinaca kale waxaa uu kulamo la leeyahay wakiil ka kala socda beesha calaamka, oo uu kala hadllayo khilaafka cirka isku sii shareeraya ee taagan.

Guddoomiye Jawaari oo wehliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia, danjire Nicholas Kay siJawaari iyo cawad gooni ah u qaabili doona, iyagoo kala hadlaya xallinta khilaafka madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli oo oo maalmihii u dambeeyay cirka isku sii shareerayay.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Jawaari uu uga warbixin doono danjirayaasha beesha caalamka wada-tashiyadii uu la qaatay xildhibaannada baarlamaanka ee kala taageersan labada mas’uul, iyadoo guddoonku dadaal ugu jiro sidii uu ku xallin lahaa khilaafka sii xoogeysanaya ee madaxda dalka.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la kulmaya safiirrada dalalka Midowga Yurub u fadhiya Somalia, kuwaasoo uu kala hadli doono dadaallada uu guddoonku ugu jiro xal ka gaarsita khilaafka oo isbuuc ka hor dibadda u soo baxay.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa shalay Muqdisho kula kulmay xildhibaannada kala fikirka duwan ee baarlamaanka, taasoo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay sidii xal looga gaari lahaa muranka labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya soo dhexgalay.

Saacadihii ugu dambeeyay ayuu guddoomiyaha baarlamaanku dadaal weyn ugu jiray sidii lagu xallin lahaa khilaafka madaxda dalka u dhexeeya, kaasoo ka dhashay isbedel lagu sameeyay wasaarado ka mid ah xukuumadda, iyadoo taas ay dhalisay in mooshin laga keeno ra’iisul waasaraha Somalia.

Khilaafka madaxda dalka ayaa gilgilay howlaha xukuumadda iyadoo dalalka caawiya Soomaaliya ay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafkan, waxayna ka digeen qaarkood inuu halis ku noqon karo horumarradii lagu tallaabsaday iyo qorshayaasha lagu doonayo in lagu gaaro doorasho sannadka 2016-ka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!