Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug oo sheegay in uu wada hadal la furayo Ahlu Sunna

by admin | Sunday, Jun 28, 2015

Cadaado : HN :– Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka gobollada dhexe ee Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in  uu wadda hadal la furayo sidda uu hadalka u dhigay culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

“Runtii maamulka Galmudug waxa uu sameeyay waxyaabo aan horey looga baranin dowlad goboleedyadii hore, waxaa laga bartayCali_Cumar_Casir_Guddoomiye maamul wanaag iyo isu tanaasul, waxaana rajeynayaa in maamulada kale ee la dhisi doono inay tallaabadaasi qaadaan” ayuu yiri Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay arrimaha Ahlu sunnna waxaa uu sheegay in ay wada hadal la qaadan doonaan, isla markaana waxkasta lagu xalin doono wadahadal iyo is faham, ayna ku dadaalayaan sidii looga qeyb gelin lahaa hanaanka hadda socda ee dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Wadahadalka uu ku baaqay gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug ayaa ku soo aadaya xili dhowaan ay burbureen wadahadal Dhuusamareeb ay iskugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socotay dowlada iyo ahlu suna ka dib markii la isku mari shuruudo ay soo bandhigtay ahlu sunna.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!