Guddoomiyaha degmada Xamar weyne oo ka hadllay xarigii lagula kacay

by admin | Sunday, Jan 18, 2015

Muqdisho : HN :–C/qaadir Max’ed C/qaadir oo ah guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadllay maanta ayaa si adag uga hadllay qaabkii loo adeegsaday xariga isaga iyo ku xigeenkiisa oo ay shalay xabsiga dhigeen ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in qaabka loosoo maray xariggiisa uusan ahayn mid sharci ah, uuna ahaa mid qaldan, wuxuuna uga mahad-celiyay maamulka gobolka Banaadir oo sii dayntiisa dadaal badan ku bixiyay.

“Raalli kama noqonayo in sharci-daro loosoo maro sidii xorriyadeyda la iiga qaadi lahaa, tallaabo noocan oo kalena ahna20144156353315748699023775 lagula kaco qof mas’uul ah,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamar-weyne oo noqonaya guddoomiyihii u horreeyay ee degmooyinka gobolka Banaadir oo xabsi la dhigo.

Amarka lagu xiray guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ayaa la sheegay in uu bixiyay xeer ilaaliye ku xigeenka Qaranka, Maxamed Xasan Nuur, iyadoo la sheegy in loo xiray raashin mucaawino ah oo la leexsaday.

“Waa nidaam-darro in anigoo guddoomiye degmo ah in la i xiro, iyadoo aan xarigeynta sharciga loosoo marin… waana fal xun falkii aniga la igu xiray,” ayuu ku daray hadalkiisa C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Ugu dambeyn, waxgaradka iyo odayaasha reer banaadiriga ah ayaa cambaareeyay xariga guddoomiyaha degmada Xamar-weyn, iyadoo aysan weli ka hadlin xarigga mas’uulkan dowladeed hay’adaha amniga dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, xeer liyaahaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhawaan si cad u sheegay inay hay’adaha dowladda intooda badan ay ku lug yeesheen musuq-maasuq aad u baahsan, ayna la xisaabtami doonaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!