Guddoomiyaha gobolka Baay oo ka hadllay shirka ka soconaya magaalada Baydhabo

by admin | Thursday, Sep 18, 2014

2014918635466278857796572100_4754 (1)Baydhabo : HN :–Guddoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka  hadlay shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo ka furmay, isagoo ku baaqay in la dar-dar-geliyo shirkan oo maamul loogu sameynayo goballada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Hoosow ayaa wuxuu xusay in loo baahan yahay in la mideeyo afkaaraha kala duwan iyo khilaafyada sababay, isagoo soo jeediyay in laga hortago wax kasta oo fashil ku keeni kara shirka ka socda Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu xusay in shirka uusan ahayn mid lagu jabinayo maamulka lixda gobol, balse loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga shaqeyn lahaa xasilinta gobolka Bay.

Dhanka kale, Baydhabo ayaa waxaa si habsami leh uga socda shirka dib u heshiisiinta ah, balse waxaa shirka ka maqan mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol sida madaxweynaha maamulkaas, Madoobe Nuunoow Maxamed iyo Malaaq Xasan Shuri Maxamuud.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!