Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Nicholas Kay oo kulan wadda qaatay

by admin | Wednesday, Nov 26, 2014

Muqdisho : HN :– Gudoomiyaha mamulka gobolka Banaadir Xassan Max’ed Xusseen Muungaab iyo danjiraha QM ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta ku kulmay xarunta gobolka Banaadir.

Kulanka labada Mas,uul ayaa Waxaa ay Diirada ku saareen Dhowr Qodob oo kala ahaa Dar dar galinta Amaanka Caasimada Doorashooyinka Golaha Degaanka iyo sidoo kale dar dar galinta Howlaha Dariseynta Ee Maamulka Gobolka banaadir uu ku howlanaa dhawaanahaanba .

Gmunnicholuddoomiyaha Gobolka iyo Daniraha Qaramada Midaabay ayaana isla gartay muhiimada ay leedahay Hirgalinta Qorshayaashaas iyadoo Kay uu gudoomiyaha u Balan qaaday in uu Xafiiskiisu ka qayb qaadanayo Fududeynta howlahaas maamulka gobolka Banaadir uu ku Howlanyahay in caasimada laga hirgaliyo.

Afhayeenka Maaamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax {Seeko} ayaa Markii uu soo dhamaaday kulankoodu Waxaa uu Saxaafada uga Warbixiyay Waxyaabaha ay ka Wada Hadleen Gudoomiyaha Gobolka Gen Muungaab iyo Danjire Nicholas Kay

“Waxyaabaha ay ka wada hadleen Gudoomiyaha iyo Danjiraha Waxaaka mid ahaa in kor loo qaado iska dhex galka Bulshada sidoo kale dar dar galinta Howlaha Qaramada Midaabay ay ka Hayso Dalka Gaar ahaan Caasimada Waxaa kale oo ay ka wada hadleen in Amaanka oo ay Wax badan ka qabsoomeen la dar dar galiyo iyo in loo gogol xaaro Doorashooyinka Golaha Degaanka oo la qorsheeyay in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo”ayuu Yiri Cali Seeko.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay kulmaan guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo danjiraha QM ee Soomaaliya Nicholas Kay

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!