Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daaha ka rogay barnaamijka direysta degmooyinka…

by admin | Sunday, Dec 14, 2014

Muqdisho : HN :– Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta daah furay barnaamijka deriseynta degmooyinka, kaasoo maanta uu ka bilowday degmada Waabariga.

Barnaamijkan deriseynta ayaa ujeedkiisa yahay tirakoobka dadka ku nool xaafadaha degmooyinka, isla markaana ah mid lagu xaqiijinayo ammaanka, si loo ogaado degmo kasta guryaha ku yaala inta qof ee degan.

Munaasabad lagu furayay barnaamijkan deriseynta oo ka dhacday xarunta Maamulka degmada Waabari ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil iyo xubno kale.

Agaasimaha waaxda deriseynta ee Gobolka Banaadir C/xakiin Maxamed Haadu ayaa sheegay in barnaamijkan deriseynta uu wax weynMuun-gaab dareysan ka tari doono ammaanka caasimada, isla markaana uu yahay mid lagu ogaanayo, laguna tira koobayo dadka ku nool dhamaan xaafadaha Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada Waabari Axmed Muumin Axmed ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in degmadiisa ay noqoto degmadii u horeeysa oo nasiib u yeelata in laga bilaabo barnaamijka deriseynta.

Taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in ujeedka barnaamijkan uu yahay xasilinta amniga, isagoo xusay in maamulka gobolka ay kala shaqeynayaan hirgelinta howlaha dariseynta.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo furay barnaamijkan ayaa bilaabay tirakoobkii u horeeyay ee laga sameeyay guri ku yaal degmada waabari, waxaana Gudoomiyaha uu buug loogu tala galay tirakoobka degmooyinka uu ku buuxinayay magacyada dadka guriga degan, inta ay ka kooban yihiin, waxaana barnaamijkan uu noqonayaa kii u horeeyay noociisa.

Kooxo dhalinyaro ah oo loo tababaray barnaamijkan deriseynta ayaa degmooyinka waxay guri guri uga sameyn doonaan tirakoob, iyadoo dadka ka buuxin doona foom loogu tala galay tirakoobka xaafadaha, waxaana Maamulka Gobolka Banaadir iyo hey’adaha ammaanka ay sheegeen inay ka qeyb qaadanayaan howlaha sugida amniga inta ay socoto howshan.

 Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!