Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb-gallay kulan looga hadllayay ammniga

by admin | Sunday, May 3, 2015

Muqdisho : HN :–Kulanka oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa goob-joog ka ahaa  guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”  ku xigeenaddiisa ,taliyaha qeybta Boliiska ee magaaladda Muqdishoiyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan  maamulka.

Saraakiish ciidanka Booliska  iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa warbaxino looga dhagaystay kulanka kuwaas oo  ku saabsan Amaanka Caasimdda dalka ee Muqdisho iyo howlaha adeegyada bulshada ee degmooyinka.

Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ah guddoomiayha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa amaanaymugun saraakiish   Booliska Soomaaliyeed sida ay xil isaga saareen xaqiijinta amaanka Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaaax Cumar  Xalane oo kulanka ka diba la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in kulanka maanta diirada lagu saaray adkeynta amaanka magaalada Muqdisho iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga.

Mudane C/fitaax Cumar Xalane ayaa sidoo kale sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay ku howlan tahay soo celinta bilicda magaalada Muqdisho isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed eek u nool gobolka Banaadir in ay qeyb ka qaataan dhowrista magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!