Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdi Masaari ah oo gaaray Beledweyne

by admin | Sunday, Aug 2, 2015
DCIM239MEDIA

DCIM239MEDIA

Beledweyne : HN :–Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo ay wehliyaan wafdi ka socda dalka Masar iyo qusulka Safaarada Somalia ee dalkaasi Masar, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye C/fitaax iyo xubnnaha wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo, iyo xubnno isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intaa kaddib guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-gallay munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay taa oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka.

DCIM239MEDIA

DCIM239MEDIA

C/fataax Xasan Afrax oo warbaahinta la hadllay ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaalka wafdiga ka socda dalka Masar, isaga oo sheegay in ujeedada socdaalkoodu yahay siddii ay mashaariic kala duwan uga fulin lahaa gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

“Maalmaha soo socda wafdiga waa ay nala sii joogi doonaan, iyagoo booqan doonna xeryaha ay degan yihiin dadka danyarta ah, oo qorshuhu yahay in dib u dajin loo sameeyo, loona dhiso guryo ka wanaagsan kuwa hadda ay ku nool yihiin” ayuu yiri Cabdifitaax Xassan Afrax,

DCIM239MEDIA

DCIM239MEDIA

Mar uu ka hadllayay Mashaariicda ay Qorsheynayaan inay ka fuliyaan Gobolka ayuu yiri. “Waxaa ka mid ah dhismaha isbitaal weyn oo ay ka howlgali doonnaan dhaqaatiir Masaari ah, Iskuul waxbarasho oo ay her-galin doonto Jaamacada Al-Azhar, waxaa siddoo kale ka mid ah mashaariic lagu hormarinayo beeraha iyo kuwa kale oo badan.”

DCIM239MEDIA

DCIM239MEDIA

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya xoolaha laga dhoofiyo gobolka Hiiraan si toos ah u taggi doonaan Masar, halka markii hore loo iib-geyn jiray dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

DCIM239MEDIA

DCIM239MEDIA

DCIM239MEDIA

DCIM239MEDIA

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!