Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo dib ugu laabtay Beledweyne

by admin | Wednesday, Dec 10, 2014

1Beledweyne : HN :– Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo ka mid ahaa wafuudii ka qeyb-gashay shirkii Copenhagen ee looga hadllayay arrimaha Soomaaliya,ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ee xaruntagobolka Hiiraan.

Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM, waxgarad iyo qeybaha bulshada magaalada.

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadllay ayaa ugu horeyn sheegay in shirkii bishii aynu soo dhaafnay lagu qabtay magaalada  Copenhagen uu  ahaa shir wax tarweyn u lahaa sidda uu hadalka u dhigay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa uu sheegay in diirada lagu saaray shirkaas waxyaabihii u qabsoomay dowladda mudadii ay jirtay iyo waxaa dhimin ee loo baahan yahay in horay loogu sii dhaqaaqo dhameystirkooda, isaga oo intaa raaciyay in dhamaan wafuudii caalamiga aheyd ee ka qeyb-gashay u riyaaqeen dadaallada socda iyo hormarka ilaa iyo hadda lagu talaabsaday.

SDC10049Dhinaca kale waxaa uu sheegay guddoomiye Cabdifaax in dalalkii uu soo maray shirka kaddib ay isku arkeen saraakiil ka tirsan dalalka daneeya Soomaaliya iyo hay’addaha ka shaqeeya arrimaha hormarinta oo ay si gaar ah uga wadda hadaleen xaalada gobolka.

”Waxaan rabaan in aan idin sheego in gobolka mashaariic dhowr ah dhawaan laga fulin doono, ballanqaadyo cadna ay jiraan, tusaalle ahaan waxaa dib u dhis sidda ugu dhaqsiyaha badan loogu sameyn doonaa xarunta gobolka, jidadka bur bursan ee magaalada, iyo goobaha danta guud, gaar ahaan isbitaalka magaalada Beledweyne oo la qalabeyn doono ayuu yiri” guddoomiyaha.

Waxaa uu bogaadiyay shir maalintii Afaraad magaalada Beledweyne uga soconaya mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka iyo qeybaha bulshada kaa oo ay soo qaban-qaabisay wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka fulintiisana iska kaashanayaan hay’addaha CRD iyo UNDP.

SDC10055SDC1009558Hiiraan Net..

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!