Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo dib ugu laabtay magaalada Beledweyne

by admin | Sunday, Oct 25, 2015
DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Beledweyne : HN :–Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo goor dhaw oo maanta ah dib ugu laabtay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ka shaqeynaya arrimo aan wanaagsaneyn, gaar ahaan iska horkeen bulsho.

‘’’Waxaa i soo gaaray qoraalo cabasho ah oo ka dhan ah xubno ka tirsan maamulka kuwaaso faraha kula jira Ariimo qabiil ah ha ahaaato dagalkii dhawan ka dhacay Xaafadda Howlwadaag iyo Ariimo kale laakin hadda laga bilaabo looma dulqaadan doono Talaabo ayaa laga qaadii doonaa.’ayuu’yiri Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bulshada Gobolka Hiiraan sida odayasha dhaqanka waxgarada dhalinyarada Haweenka uu gacantoda ku jiro Mustaqablka Gobolka Hiiraan islamarkana looga bahan yahay in laga wada shaqeeyo.

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

‘’ Mustaqablka Gobolka Hiiraan wuxu gacantooda ku jira odayasha dhaqanka waxgarada dhalinyarada Haweenka bulshada Gobolka Marka waxaa loo bahan yahay in laga wada qab qaato mustaqablka iyo Aayaha Gobolka hadii la dhihii jiray Cabdifatax Xassan Afrax wuxu caburiya dadka maanta mustaqablka Gobolka Hiiraan gacantiina ayuu ku jira’ayuu’yiri Cabdifataax Xassan Afrax.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifatax Xassan Afrax ayaa umahad celiyay ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif odayasha dhaqanka waxgaradka Gobolka Hiiraan sida ay ugu qab qatan Xalinta Coladii uu dhaxeysay beelihii dhawan ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne,

Ugu danbeyntii guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii aynu soo dhaafnayba safar shaqo ugu maqnaa magaalooyinka Qaahir iyo caasimada Soomaaliya iyo Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!