Guddoomiyaha gobolka la kulmay madaxa tababarada midowgga Yurub

by admin | Friday, Feb 27, 2015

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jeneraal Massimo Mingiardi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay dowladda Talyaniga kaalmada ay siiso shacabka, kuwaasi oo isugu jirta qalabeynta waaxda Dabdamiska ee dowladda hoose, daawooyin la gaarsiisay degmooyinka Boondheere, Kaaraan, Xamar-weyne, C/casiis iyo kuwa kale.

Guddoomiye Muun-gaab ayaa tilmaamay in sidoo kale ay deeq isugu jirta dhar, maacuun iyo haamanka biyaha lagu shubto ayMuungaab1-170x114 gaarsiiyeen qoysas danyar oo ku nool Muqdisho, kuwaasi oo uu guddoomiyuhu xusay inay ku soo beegantahay xilli ay u baahnaayeen.

Madaxa Tababarka ee Midowga Yurub ee Soomaaliya Jeneraal Massimo Mingiardi ayaa ugu horeyn tacsi soo gaarsiiyey Maamulka Gobolka Banaadir geeridii ku timid gudoomiye ku-xigeenkii Gobolka Max’ed Aadan Guuled “Caan-geel” oo ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Hotelka Central, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dal ka dhexeeya, ayna kordhiyaan taageerada ay dowladda Talyaaniga siineyso Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!