Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe oo booqday deegaanka Cadalle

by admin | Friday, Oct 3, 2014

Cadalle : HN :– Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha dhexe Cali Guudllaawe iyo saraakiil ka tirsn dowladda Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay deegaannka Cadalle oo dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

 Cali Guudlaawe Xusseen  iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa gaaray degamada Cadalle oo dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Cali Guudlaawe oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sii maray degmada Warsheekh, Ceel Macaan, Raage Ceele iyo Xaaji Cali, halkaasoo uu sheegay inay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaanadii uu tagay ay ka jiraan duruufo xaga nolosha ah oo heysta dadka rayidka, waxaana uuJowhar-4 tilmaamay in dadku niyad wanaag u hayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Deegaanadaas waxaa ka muuqda duruufo xaga nolosha, waxaa deegaanadaas wali ka muuqda raadadkii ay ku reebeen nimanka nabad diidka ah oo muddo dul joogay oo u diiday adeegii bulshada”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Degmada Cadale oo ah degmo qadiimi ah ayaa 130-Km dhinaca bari ka xigta xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!