Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo beeniyay in Al-shabaab isaga baxeen deegaannada gobolka

by admin | Monday, Jul 6, 2015

Sh/hoose : HN :–Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muhiimad u tahay Gobolka, isagoo meesha ka saaray Ciidamo AMISOM oo ka baxay Shabeellaha Hoose inay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo u waramayay laanta VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u akaan Gobolka Shabeellaha Hoose meel ay ku dhuuman karaan, jawi ahaan iyo deegaan ahaan uu u yahay mid muhiim ah, maadaama howd iyo deegaano keyn uu leeyahay

“Al-Shabaab muhiimad ayay siiyeen Shabeellaha Hoose, waayo waxay u arkaan meel ay ku dhuuman karaan, jawi ahaan iyo deegaan sidiiahaan, wuxuu leeyahay howd iyo geedo dhaadheer dhul beereed isu xira Jubadda Dhexe ilaa Bay, sida Ururka Taalibaan muhiim ugu yahay Buurihii Tora-Bora ee dalka Afghanistan ayuu Shabeellaha Hoose muhiim ugu yahay”ayuu yiri C/qaadir Siidii oo wax laga weydiiyay muhiimada Al-Shabaab u leedahay Gobolka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in hogaamiyeyaasha ugu badan Al-Shabaab lagu dilay Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo magac dhabay dhowr hogaamiye oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jiray oo weeraro ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka lagu dilay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Mar uu ka hadlayay wararka sheegaya deegaanada ay ka baxeen AMISOM ayuu ku tilmaamay kuwo Baro-bagaan ah, isla markaana aanay jirin meel laga soo baxay, isagoo xusay in arrinta tahay in la xoojiyo difaacyada ciidamada.

“Meel laga soo baxay ma jirto, arrintaas waa beenineynaa, AMISOM waxay go’aan ku gaareen, kadib arrintii ka dhacday Leego in la xoojiyo difaacyada, meeshii ay 50-askari ka joogeen boqol la gaarsiiyo, ciidamada ayaa la isku jaangoynayaa, ciidan AMISOM oo Muqdisho ku noqdayna ma jirto”ayuu yiri C/qaadir Maxamed Nuur oo intaa ku daray in Ciidamada AMISOM ay wali joogaan degmada Qoryooley, Buulo Mareer iyo Janaale.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in haatan ay qorsheynayaan in dib loogu noqdo deegaanada Awdheegle, Bariire, Mubaarak iyo Toora-Toorow, isla markaana ciidamada AMISOM xarumahooda ay noqon doonaan kuwo difaacyadooda la xoojiyay.

Mr Siidii ayaa sheegay inay bilaabeen inay dadka deegaanka ay abaabulaan, si ay isaga celiyaan Al-Shabaab, waxaana uu xusay in dhowaan shacabka deegaanka Toora-Toorow ay is abaabuleen lana dagaalameen Al-Shabaab sida uu yiri.

“Beelaha ayaga kacay, dadka deegaanka waa is abaabeen, waxaana shacabka u diyaarsan yihiin inay iska dhiciyaan Al-Shabaab, anagana waa dhiira gelineynaa, dowladda waxay wadaa istiraatiijiyad ah in shacabka la abaabulo”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada tan iyo markii la galay bisha Ramadaan, waxayna culeys soo saareen deegaano ay ku xooganayeen AMISOM, iyadoo dhowaan ay la wareegeen deegaano ay ka baxeen Ciidamada huwanta ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!