Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo sheegay in uu hakad ku yimid howlgalkii Bad-weynta Hindiya

by admin | Friday, Nov 14, 2014

Muqdisho : HN :— Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Max’ed Nuur Sidii oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in uu hakad ku yimid howlgalkii dowladda Soomaaliya ay ugu magac-dartay Bad-weynta Hindiya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howl galka Shabeellaha Hoose ay iyaga qeybtooda dhameeyeen, isla markaana ay aheyd in xuduuda Jubada Dhexe la isku yimaado.

“Anaga qeybta naloogu tala galay ee howl galka Shabeelaha Hoose ee badweynta Hindiya inta badan waa dhameynay guulo ayaana ka soo hoynay, marka waxaa laga sugayaa AMISOM qeybta Itoobiya iyo Kenya inay soo dhaqaaqaan ah oo aan ku kulano xuduuda Jubada Dhexe”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada Maamulka Jubba, Kenya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM aanay iskuSiidii xirneyn, isla markaana la doonayay inay Gobolka Jubada Dhexe u soo dhaqaaqaan, taasna ay tahay arrinta ugu weyn ee laga sugayo, si howl galka isugu xirmo.

Dhinca kale C/qaadir Siidii ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay shalay gubeen gaari Hoomey ah oo qaad u siday degmada Baraawe, waxaana uu xusay in Shabaab ay shacabka beegsanayaan.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa horay u sheegay in howl galka Badweynta Hindiya uu qorshihiisa yahay in guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab, iyadoo bishii hore lagala wareegay Al-Shabaab magaalooyin muhiim ay ka mid tahay Baraawe.

Al-Shabaab ayaa wali ka talisa inta badan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo Jubada Dhexe uu yahay gobolka kaliya ee ay dhamaan degmooyinkiisa ay gacanta ku hayaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!