Guddoomiyaha ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasada oo la magacaabay

by admin | Wednesday, Mar 18, 2015

Muqdisho : HN :– Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye.

Magacaabida xilkan ayaa ka dambeeysay markii uu geeriyooday Gudoomiyihii xilkaas hayay Maxamed Aadan Guuleed (Caana Geelle) oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Central ee 20-kii bishii hore dhacay.

“Markii uu arkay Madaxweynaha tala soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Madaxweynaha-300x2251 waxaa uu Madaxweynuhu u magacaabay Maxamed Axmed Diiriye Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada Gobolka Banaadir” ayaa ku qorneyd warqad qoraal ah oo Xafiiska Madaxweynaha ka soo baxday.

Mas’uulka cusub ayaa waxaa la faray inuu si buuxdo u guto waajibaadkiisa qaran, waxaana wixii hada ka dambeeya uu buuxin doonaa booskii Gudoomiye kuxigeenka siyaasada ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Axmed Diiriye ayaa waxaa dhalay Nabadoon Axmed Diiriye oo ahaa afhayeenkii Odayaasha Beelaha Hawiye, waxaana xilkan isku garbinayay siyaasiyiin badan oo loolan adag u galay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!