Guddoomiyayaal degmo oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay, Muqdisho

by admin | Tuesday, Apr 7, 2015

Muqdisho : HN :– Kaddib wareegtay ka soo baxday goor dhaw oo maanta ah xafiiska wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya, ayaa xilalkii ay hayeen looga qaaday guddoomiyayaashii degmooyinka Dherkeenley iyo Hodan ee gobolka Banaadir.

Wasiirrka arrimaha gudaha C/raxmaan Max’ed Xusseen ayaa wareegtan soo saaray kaddib soo jeedin iy codsi uga yimid dhinacaGuddoomiyeyaashii_hore_iyo_kuwa_Cusub_HOL guddoomiyaha gobolka Banaadir Jen Xassan Max’ed Xusseen Muungaab, waxaana loo magacaabay labada degmo guddoomiyayaal cusub.

Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, C/qaadir Cali Kulane ayaa lagu bedelaya Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin) oo noqonaysa haweeneydii u horreysay oo noqoto mid ka mid ah guddoomiyeyaaasha gobolka Banaadir tan iyo markii xilka uu qaabtay Muun-gaab. Sidoo kale, guddoomiyihii degmada Dharkeenley, Aadan Maxamed Cumar ayaa isagana lagu bedelay Cumar Meyre Mocow.

Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo uu sameeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir tan iyo markii is-bedelka lagu sameeyay guddoomiyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!