Guddoomiyayasha gobolka Banaadir oo loo furay tababar la xiriira maamul wanaaga

by admin | Sunday, Nov 9, 2014

Muqdisho : HN  :– Ilaa 65 xubnood oo isugu jiray guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir ku-xigeennadooda iyo xog-hayaal ayaa looga furay magaalada Muqdisho tababar la xiriira maamul wanaaga.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Hey’adda UN-Habitat iyo CRD ayaa waxaa fulinaya Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu soconayaa muddo 7-isbuuc ah oo todobaadkiiba la qaadanayo saddex cashar.

 Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada, Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Mas’uuliyiinta Hey’adda CRD.

Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ka hadashay furitaanka Tababarkan ayaa uga mahad celisay hay’adahaTaababa soo qaban qaabinaya, waxaana ay sheegtay in Tababarkan uu bilow u noqon doono sidii ay doorasho uga dhici laheyd degmooyinka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore oo ku hadlayay magaca Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa sheegay in tababarkan ay ka faa’ideysanayaan inta uu socdo, isla markaana ay rajeynayaan inuu noqdo mid keena in degmooyinka ay ka dhacaan doorasho xor ah.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in Tababarkan ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana wax badan is bedeleen.

Xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in doorka ugu weyn ay leedahay Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ay hoos yimaadaan maamulada degmooyinka, isagoo ka hadlay ujeedada tababarkan.

Tababarkan ayaa waxaa lagu baranayaa awood siinta dadka, maammul wanaaga, hogaaminta, iyadoo inta uu soconayo la tagi doono degmo kasta, isla markaana koox koox loo qeybinayo Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo qeybaha ka qeyb galaya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!