Guddoomiye Cirfo” waxaan ka badbaaday isku day dil

by wadani | Sunday, Dec 20, 2015

Muqdisho : HN :–Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xusseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay in uu shalay ka bad baaday isku day dil ay doonayeen in Al-Shabaab ku qaarijiyeen, kadib markii gaari uu watay oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama rasaas lagu furay.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in gaari kale oo ay wateen rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigiisa, isagoo tilmaamay in weerarkaas aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin.

Waxaa uu ugu baaqay laamaha ammaanka dowladda iyo shacabka inay iska kaashadaan sugida ammaanka, isla Cirfo-300x272markaana laga hortago falalka amni darada.

Inta la og yahay saddex ruux ayaa ku geeriyootay, 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka Shineemo Soomaali oo ay ku dhow yihiin xarumo ganacsi oo dadka ka dukaameystaan.

Saameynta ugu badan ee qaraxa ayaa ka soo gaaray Carwada Al-kowthar, iyadoo milkiilihii carwada iyo qaar kale oo shaqaalaha ka mid ah uu soo gaaray dhaawacyo.

Ugu danbeyntii, wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka mid ah wadooyinka amnigooda la ilaaliyo, waxaa isticmaala gaadiidka kala duwan ee dadweynaha iyo kuwa mas’uuliyiinta dowladda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!