Guddoomiye Jawaari oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Jabuuti

by admin | Saturday, Nov 22, 2014

Djabuuti : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo gaaray dalka Jabuuti, ayaa halkaa kulan kula yeeshay dhigiisa baarlamaanka dalkaas oo ay ka wad hadlleen xiriirka labada dowladdood.

Guddoomiye Jawaari ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, isagoo ka qeyb geli-doono munaasabad lagu furayo xarun cusub oo uu yeesho baarlamaanka Jabuuti, taasoo lagu casuumay furitaankeeda gudoomiye Jawaari.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu ka qeyb galo munaasabadaas, isla markaana ay tahay mid uu aad u sooJawdhigis dhoweynayo horumarka shacabka reer Jabuuti.

“Farxadda Jabuuti waa farxad Soomaaliyeed, Haybadda Baarlamaanka Jabuutina waa haybad Soomaaliyeed” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Sidoo kale Jawaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin dad walaalo ah oo wadaaga wax kasta, wuxuu bogaadiyay kaalinta ay Jabuuti ku leedahay dowlad dhisidda Soomaaliya iyo taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa in uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, si maalinta Isniinta uga qeyb qaato kulanka Baarlamaanka ee lagu horkeenayo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!