Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaaday

by admin | Sunday, Dec 21, 2014

Gaalkacyo : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goor dhaw qarax lala eegtay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Puntland Farxaan Cali Xirsi.

Miino nooca gawaarida lagu xiro ah oo horay gaariga guddoomiyaha loogu sii rakibay ayaa lagu soo waramayaa inay ku qaraxday xilli uu marayey agagaarka saldhigga dhexe ee booliska degmada.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa  uu sababay khasaare nafeed gaar ahaan waxaa la sheegay in uu dhintay hal askari , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay guddoomiye Xirsi iyo qof oo kale.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya xaaladda guddoomiyaha, wararka qaar ayaa sheegay in Farxaan Cali XirsiXaadgud dhaawac fudud qabo halka qaar kalena sheegayaan in xaaladiisa caafimaad halis ku jirto.

Ma ahan markii ugu horeysey ee qarax lala beegsado mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo.

Ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa aad u wanaagsanaa labadii sano ee ugu dambeeyey marka loo barbar dhigo sidii ay ahayd intii u dhexeysey sanadihii 2009-2012. –

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!