Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wadajir iyo ruux ilaalo u ahaa oo la dillay

by admin | Wednesday, May 6, 2015

Muqdisho : HN :– Rag hubeysan ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku toogtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir guddoomiye ku-xigeenkii degmada ee dhinaca ammniga iyo siyaasada C/fitaax Barre Guure iyo ruux ilaalo u ahaa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in kooxaha hubeysan ee toogashada geystay rasaas ku fureen gaari uu la socday guddoomiye Bastoolad-12ku-xigeenka oo goobta ku geeriyooday isaga oo mid ka mid ah ilaaladiisa, waxaana siddoo kale weerarka ku dhaawacmay dhowr ruux.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka mas’uulkan, mana jiro wax war ah oo ay arrinta ka soo saareen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Dableyda ayaa markiiba goobta isaga baxsatay, iyadoo intaa kaddibna halka lagu dillay guddoomiye ku-xigeenka gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!