Guddoomiye ku-xigeenkii maamulka gobolka Banaadir oo ku dhintay qaraxii maanta

by admin | Friday, Feb 20, 2015

Muqdisho : HN :– Iyadoo wali faah faahinno iyo weerar dheeraad ah ka soo baxayaan weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday hotelka Central ee magaalada Muqdisho, ayaa warar hadda na soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in dhimashadu ka badan tahay 25 ruux oo intooda badan isugu jira xildhibaanno, wasiiro iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Inta la xaqiijiyay dhimashada waxaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca siyaasada maamulka gobolka Banaadir Max’edCaano-geel Max’uud Guulleed Caanno-geel, siddoo kalana waxaa ay wararku intaa ku darrayaan in weerarka uu ku dhintay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo lagu magacaabo Cumar Cali Nuur [Furdug]

Inkastoo mar walba wararku yihiin kuwo isa soo taraya ayaa siddoo kale waxaa la leeyahay waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ee ku dhimatay weerarka wasiirka cusub ee dekedaha Nuur Faarax Xirsi, iyadoo siddoo kalana ay dhaawacmeen tiro wasiirro ah oo qaarkood la leeyahay waxaa soo gaaray dhaawacyo halis.

Ilaa iyo hadda xaalada goobta uu weerarka ka dhacay waa mid cakiran oo aan wax badan laga ogeyn sidda ay wax uga socdaan, waxaana howlgalka ka qeyb-qadanaya ciidammada sidda gaar ah u tababar ee Gaashaan iyo kuwa AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!