Guddoomiyihii baarlamaanka dalka Jabuuti oo geeriyooday xalay

by admin | Friday, Feb 13, 2015

Djabuuti : HN :–Guddoomiyihii baarlamaanka dalka Jabuuti, Idiris Arnaoud Cali ayaa xalay ku geeriyooday xarunta Jabuuti ee Jabuuti, waxaana geeridiisa timid kaddib xanuun maalmahan hayay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyeeyay geeridii ku timid gudoomiyihii baarlamanka dalkaasi.

Guddoomiye Jawaari ayaa u rajeeyay marxuumka in uu janadii Alle ka waraabiyo, dowladda iyo shacabka reer Jabuutina uu samir iyoGudoomiyaha_Baarlamaanka_Jabuuti Iimaan Alle ku siiyo.

“ Waxaan aad u xasuustaa in uu ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamanka noogu yimaada markii aan bilownay kalfadhigeeni koobaad, khudbadii meesha uu ka jeediyay aadbaan u xasuustaa gabdhaha xildhibaanada ah ee safka hore fadhiyay wey ilmeeyeen ereyada uu jeediyay iyo qiimaha Jabuuti ay ugu fadhido dalka kan inuu hagaago, waxaana ereyadiisii ka mid ahaa Jabuuti Ereteriya sooma haweeysateen haddii ay jamhuuuriyada Soomaaliya dhisantahay” ayuu yiri Jawaari.

Geerida guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa la sheegayaa inay ahayd mid kadis ah, waxaana kusoo booday cudur halis ah oo aan la sheegin nooca uu yahay.
Hiiraan Net,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!