Guddoomiyihii deegaanka Gaarisa oo shaqadii laga eryay

by admin | Wednesday, Apr 22, 2015

Kenya : HN :–Xukuumada Kenya ayaa shaqada ka joojisay guddoomiyihii deegaanka Gaarisa, Njenga Miiri iyo shan sarkaal oo booliiska degmadaas ka tirsanaa.

Talaabadan shaqada looga joojiyay xubnahan ay ka dambeysay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday bishan horraanteedii Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo 148-qof dad ka badan lagu dilay.

Sidoo kale, wararku waxay intaas ku darayaan in saraakiishan iyo madxda shaqada laga eryay lagu eedeynayo inay suurogal ahaydNjenga_Miiri_Garissa_District inay ka war-hayeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa.

Guddoomiyihii Gaarisa, Njenga Miiri ee shaqada laga joojiyay ayaa madax ka ahaanjiray deegaanka xeebta ku yaalla ee Lamu, halkaasoo Al-shabaab ay horay ugu qaaday weeraray ay ku dishay 60-qof dad ka badan.

Ugu dambeyn, xukuumadda Kenya ayaa dhowrkii toddobaad ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin ay uga jawaabayso weerarkii Jaamacadda Gaarisa lagu qaaday, iyadoo xaryiaad kusoo rogtay xawaalado xisaabaadyo lacageed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!