Guddoomiyihii degmada Buurhakab iyo labo sarkaal oo weerar lagu dillay

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Buur-hakaba : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar la rumeysan yahay ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab lagu dillay guddoomiyihii degmada Buur-hakaba  Max’ed Xassan Cali Maamoow iyo labo sarkaal kale.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay wadada isku xirtay Muqdisho iyo magaalada Baydhabo, xili jidka loo gallay gadiid ay la socdeenSomalia: Conflict mas’uuliyiinta, kuwaa oo ugu danbeyntii goobta lagu dillay.

Waxaa geerida guddomiyaha degmada Buur-hakaba iyo saraakiisha kale ee la dhimatay xaqiijiyay guddoomiye ku-xigeenka degmada Buur-hakaba Xusseen Makaaloow.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca hay’addaha ammniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarka lagu dillay guddoomiyihiin degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!