Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo ku gacan-seyray amar ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha

by admin | Thursday, Oct 29, 2015

Muqdisho ; HN :– Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Xassan Max’ed Xusseen Muungaab oo dhawaan wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha xilkii looga qaaday, ayaa ka hor yimid amar ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha.

Wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya, ayaa ku amartay ku-xigeennada guddoomiyaha xilka laga qaaday iyo shaqaallaha waxaaha kala duwan ee gobolka in ay shaqada joojiyaan, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira qaadista lacagaha iyo arrimaha la xiriira dhulalka.

muungaabGuddoomiyihii hore Muungaab, oo amarka ayaa ku tilmaamay amarka ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha mid aan la aqbali karin, isaga oo sheegay in shaqada maamulka siddeedii u sii socon doonto, isaga oo ku amaray guud ahaanba mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka in ay shaqadoodii sii wataan.

”Shaqooyinka Gobolka waa soconayaan cid joojineysana malahan ilaa aan xilka ka wareejinayo, qolo walbo shaqadeeda ha qabsato ciidamada qaada canshuuraha howshooda hawataan, waxaa naga go’an in aan sii shaqeyno inta aan xilka ka wareejinayo” Ayuu Yiri Muungaab.

Ugu danbeyntii, hadalka ka soo yeeray Muungaab ayaa imanaya xili la xanibay akoonkii maamulka Gobolka Banaadir , waxaana Wasaarada Armaha Gudaha ay sidoo kale joojisay in xafiiska Gudoomiyaha iyo Xafiisyada kale ee Maamulka ay shaqooyinka Kale ka sii socdaan inta xil wareejin ay ka dhaceyso.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!