Guddoomiyihii magaalada Cadan ee dalka Yama oo la dilay

by wadani | Sunday, Dec 6, 2015

Cadan : HN :–Wararka ka imanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiyihii magaalada Yemen Jacfar Mohamed Saad iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in mas’uulkan la dilay u u door weyn ku laha ka saaridii Kooxda Xuutiyiinta magaalada Cadan bishii July ee sanadkan.

Kooxda ISIS ama Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiyaha magaalada Cadan.Jacfar
Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhintay qaar ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Cadan Jacfar Mohamed oo gaariga la saarnaa, xilliga gantaalka lala beegsanayay.

Kooxda ISIS ayaa bilihii la soo dhaafay ku xoogeysanayay dalka Yemen, iyagoo qaaday weeraro qaraxyo ay la beegsatay dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta.

Guddoomiyaha magaalada Cadan Jacfar Maxamed ayaa xiriir dhow la lahaa Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi oo muddo bilooyin ah musaafuris kaga maqnaa Yemen, hase ahaatee dib ugu soo laabtay Cadan, markii laga saaray Jabhada Xuutiyiinta.

Kol hore ayeey aheyd markii madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi ayaa bishii October ku dhawaaqay in magaalada Cadan ay tahay caasimada KMG ah ee Yemen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!