Guddoonka baarlamaanka oo ku kala qeybsan mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha

by admin | Saturday, Nov 8, 2014

Muqdisho :HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya siweyn ugu kala tagsan yihiin mooshin dhawaan la sheegay in laga soo gudbiyay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo la doonayo in kursiga looga tuuro, waxaana siweyn mooshinkaas uga soo horjeeda xildhibaanno iyo xubno ka tirsan guddoonka baarlamaanka oo u arka mooshinka in uu yahay mid sharci darro ah.

Waxaa maanta dib u dhacay kulan la fillayay in yeeshaan xubnaha gollaha baarlamaanka Soomaaliya sababo la xiriira dadaal sidda la sheegay la doonayo in lagu baajiyo mooshinka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen ayaa xalay la kulmay xildhibaannada keenay mooshinka, balse illaagaca hadda lama oga wixii kulankaas looga hadlay, iyadoo guddoonku uu dadaal weyn ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa mooshinkan ay ku qaybsameen xildhibaannada baarlamaanka.

Sidoo kale, gudoonka sare ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka, waxaana kulamadan aan caadiga ahayn la sheegay inay dib u dhigi karaan kulammadii caadiga ahaa ee baarlmaanku yeelan jiray.

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa waxay qaarkood warbaahinta si hoose ugu sheegeen in guddoonka baarlamaanka uu doonayo inuu meesha ka saaro mooshinka, balse aysan iyagu ogolaan doonin. Iyadoo xildhibaanno saxiixooda lagu arkay mooshinka ay sheegeen inaysan saxiixin.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in maalinta berri oo Axad ah uu go’aan gaari doono gugdoonka baarlamaanka sidii laga yeeli lahaa mooshinka laga soo gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, kaasoo uusan weli isagu ka hadlin.

Mooshinkan ayaa abuuray walaac kale oo hor leh, iyadoo dadaalka uu ugu jiro guddoonku baajinta mooshinkan ay imaanayso xilli ay xildhibaanada ka soo horjeeda horay u sheegeen in haddii ra’iisul wasaaraha mooshin laga keeno ay iyaguna mooshin ka keeni doonaan guddoonka baarlamaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!