Maqaal: Guddoonka Gunnimada!‏ WQ:Bashir M. Hersi

by Yahye | Sunday, May 27, 2012

Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag, waxaa lagu jiray ku meel guur, iminkana waxaan ku jirnaa kala guur, waxaa madlan in laga guuro kala guur iyo ku meel gaarba, sida looga guurayo, qaabka loo guurayo iyo hannaanka looga guurayo, ma cadda, kaba sii darane, meesha loo guurayo, waxa lagu guurayo iyo qaabka loo guurayana midna ma cadda.

Balse, waa hubaal ah in geeddi la yahay, Allow yaa yiraahda; “Nimaan kuu furayn, Yaanuu kuu rarin” Ma mooddaa in lagu guurayo geeddi aan sahan lahayn? Waliba aan la gorfayn meesha iyo goobtii lagu furi lahaa!

Garab raratayahay baas
Goormaad dagaysaan?!

Su’aashaa wali waa taagan tahay, muddana waa taagnaan, illeen sida lagu socdaahi ma ahan, hab keenaya jawaabta su’aashee. LIXDA SAXAL ee wada saxiixday waxan loogu yeero; “DHABBAHA DHIGAN” Roadmap, ayaa maalinba sida loo meersho u jeedinaya, dhibka jira ayaa ah, inay noqotay haan afka ka xiran, ee aan qof furi karaa jirin, si loo ogaado waxa ku dhex jiraana kaba sii fog, haddiiba dabool qaadkii la diiday, dabcan in gunta la gaaraana waa gabiib biyeeyey oo kale.
LIXDAN SAXAL ayaa isku koobay ka arriminta aayaha wadanka, waxaa maareeye u ah mudane Mahiga, oo sheekadan u soo hindisay, dabcan waxaa meerisyadeeda soo saxay Meles, meelmarintuna waxay u taal Madax ku sheegga wadanka hor boodaya iminka.

Dhibka jira ayaa ah, LIXDAN SAXAL in nin walba xilka uu hayo afduub ku haysto, si dadban iyo si toos ahba, haddaa maxay madax ka yihiin? Maxayse ku yihiin?.

Maahmaahdu waa tii ahayd: “Madax meel ka sarrayso oo la salaaxaa ma jirtee” aan ka billaabo Shariif Sheekh Axmed, ballantuu Kitaabka u xooray -waa hadduu markii hore watee, Sharceedana uga leexday waa hadduu markii hore ku socdee- waxay ahayd inuu doorasho qabto bishii August ee sanadkii aan soo dhaafay, badalkeed wuxuu Kampala ku soo madmadoobeystay waxan ay dheheen: “KAMPALA ACCORD” ee lagu qoorqabtay Formaajo, asna dadkii ku yiri dan Soomaali yaan u tanaasulay!

Waaba iga weydiine, haddaan laga fursanayn in la kordhisto, miyaan laga maarmin in dal shisheeye lagu soo kordhisto? Taa kaliya kuma ekaysane, wuxuuba yiri cid ka hadli karta ma jirto, waa lama taabtaan qodobadii aan ka keenay Kampala, kana sara mereenba axdigii KMG ahaa.

Aan ku xijiyo afhayeenka baarlamaanka, Sharif Xasan Sh. Aadan xilka waxaa ka qaaday taradii u doortay xilka markii hore tiro ka badan, haddana laga fujin waa xilka, isagu garaadkiisa kuma tagayo, garabna waa haystaa, waa “Gardarro garab og lagama guulaysto” garabka wuxuu ka helayaa canaasir ka tirsan madaxda sare ee dawladda, oo iyagu raalli uga ah inuu sii hayo xilkaa iyo shisheeye uu waligiiba u ahaa kabaqaade, illeen hadduusan kalkaale u ahayn iyaba ma garab siiyeene.

C/rahman Sh. Mohamed Faroole, isaguna ballantu waxay ahayd inuu doorasho qabto, dibba ha isu soo sharaxo hadduu rabee, oo ciduba kaba hortaagnayn, taa badalkeed, isna wuxuu qortay Dastuur la yaab leh, marka laga soo tago wayaabaha ku qoran ee aan Soomaalinimo iyo midnimo midna ku lug lahayn, si sharci darro ah ayuu xilka sanad ugu koror saday.

Intaa kuma ekaysan, ee wuxuu soo faragaliyey wada hadallo la filayey inay dhexmaraan DKMG ah iyo maamulka Siilaanyo, oo la dhihi karo isbaaro ayuu u dhigtay wada hadalladaa, maadaama uu guddiga ku darsaday laba xubin, oo caqabad ku noqotay furitaanka wada hadallada, maantana wuxuu taagan yahay inuu qaaddacay Dastuurkan qabyo qoraalka.

Maxamed Axmed Caalin, isagana xilka markii laga qaaday ayuu is xajiyey, walibana Maxkamadda saree ee maamulku xukuntay in sharci loo raacay xil ka qaadistiisa, inta ka maagay inuu u hoggaansamo go’aanka Maxkamadda sare iyo mudanayaasha xilka ka qaaday, ayuu Odayaal isaga wacday Xamar iyo meelo kale, xaal mastuurna lagu gaaray;inuu xilka sii hayo, waaba yaabe, markii hore maxaa xeer iyo xugun loo samaynayey? Haddiiba aan la dhaqangalinayn.

Doorasho ayaa madlan bisha August ee nagu soo food leh,Caalin ilaa hadda wax hadal ah oo ku saabsan lagama hayo, ku xigeenkiisa C/samad Nuur Guuleed ayaa magacaabay guddi doorasho, waxaana sii adkeeyey Axmed Maxamuud Xasan “Axmed Baasto” haddaba arki doonnee sida uu yeelo Caalin, inuu ka madax adaygo oo sida waalkiis sanad bug [Falso] ah beertoo, ama in uu xeerka dhigan u hoggaansamo.

Xerta Ahlusnna awalba dhal Amxaaro ayey ahaayeen, qarixii Dhuusamareeb ka dibna dhallaan la’aan ayaa ku dhacday, wadaaddo xiiqsan, wax ay rabaan iyo wax aysan rabin aan la garanayn, Camaamadda madaxa ugu xiran, Xabashida ay u xeraystaan, Xadrada iyo Hinraagga iyo Xalqada ma ahan, ee xal kale ma hayaan.

Deegaan kala daadsan oo maamul aan lahayn, maalin walba u taagan raacda reeb iyo ku dhufoo ka dhaqaaq, Jinni ku xaqsay iyo tacab khasaaray iga dheh, malaha dhacdadii Dhuusamareebna waaba qiil ay doonayeen, oo ah in marka hore deegaanka laga sifeeyo Alshabaab, oo ninka isqarxiyey miyuuba deegaanka iska soo abaabulay?.

Dib u eeg sooyaalka, Shir la qabto oo aysan diidin waa yar yahay, Allaylehe, midkii Addis ee lagu soo unkumay iyo kii lagu soo dhexdhexaadinayey iyaga labadaa ma diidin, sidoo kale kii Londonna ma diidin, balse, labadii Garoowe iyo midanka dambe ee Addis ka dhacay, dhammaan waa qaaddaceen, haddana saacado ka dib waa dhex taagnaayeen, illeen diidmao iyo ogaalo midna ma lahan, ama waaba isugu mide.

Aqriste, madax ku sheegga sidaa ah, ee nin walba xukunka ku joogo xaaraan qadcan ah, xukunka ku haysto xeelad shisheeye u soo xiray, ee maalin walba Xabashi u sii xamlan, ayaa inta qodobbo qaaran iyo qabyo qaybsan loo soo dhiibo la soo qoodaynaya, waa meesha laga dhihi jiray: “ADOO QAAWAN JIDKA QAAD”.

Aqriste adba qiyaas, ma kula tahay qodobbadan wada todobaadka ah, in lagu fulin karo maalmaha loo qabtay? Ani ahaan maya, waliba waxaan filaa in sanadka xantiisa la wado, ee reer galbeedku ka caga jiidayaan uu lama huraan yahay, illeen kuwani waa GUDDOON GUNNIMOO, maalin ma go’aamin go’aan gobanimada Soomaali gaar yeelayee! Meles ayaa gadaal taagan, u maaninaya sida ay isu maamulayaan, Mahigana maaraynta hoose ayuu qaabilsan yahay, masraxa wax lagu fulinayana waa Soomaaliya.

Dhibka weyn ayaa ah, meeshay ku shamuumaan iyo meeshay ku sheekeeyaanba in shay qura hal hays u yahay “QASWADE” waaba iga weydiine, qodobbadan aan soo xusay ragga ku sugan, miyeysan QASWADAYAAL ahayn? Mise iyaga waa QABBAANIYAAL uusan qaban qodobka QASWADENIMADU? Qaab ay noqotaba, waa qiil aan qeexnayne, Talo Garaad diide! Tab Siyaasi ma hayaan! Taqwo Culimana awalaan looga fadhin.

Murtidu waa tii ahayd: “Hashu Cabaadkana ma dayso, Geelana ma dayso” Mid kalena waa tii ahayd: “Maroodigu Takarta ku taagan uma jeedee, midda kan kale ku taagan yuu u jeedaa” Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadrwaai” na wuxuu yiri:

Inaad saamo jiiddiyo
Sanqadh tirasho kala daa

Aqriste, middan si fiican iila dhuux, hadba sida u dareento waxay ku xiran yahay fahamka waxa socda, bal wadanka gees ka gees eeg, maanta gobol aan Xabashi joogin ma lahan, Somaliland iyo Puntland iyagu Qaloonka si joogto ayey u dubaan, koofurta deegaannada qaar ayaa Fiddawiyo Xersi xir ahaan u gayn jiray, hadda waxay maraysaa inaysanba sugan, ee ay ugu timaad meesha uu yaal, halkaana ka solato, kana yeesho sida ay doonto.

Haddi Xabashi kaliya ma ahane la soco, waxaa wadanka joogo Ugandhiis, sanad walba la soo kordhiyo, adba garo ujeedka laga leeyahay? Burundi caasimadda la wadaagana waa jiraan, Kenyaati oo iyagu u xilsaaran xasuuqa dadka deeggan gobollada xuduudka la wadaag, lammaanana looga dhigay Siiralyoon, waaba iga weydiine, horta ma qoryo ayey wataan? Mise Faasas iyo Godimmo? Hadday kawa dambe wataan, wallee waa laba jab, illeen haddaanba dhimasho la hurayn, xaraarug la’aan dhimaa dhaanta saxariire. Ha moodin inaan ka hilmaamay walaalaha Jabuuti, oo iyana iminka Hiiraan loo qaaday, si loogu daboolo Xabashida joogta.

Aqriste, si fiican u eeg waxyaabaha dhacaya, mar walba oo shir la qabanayo, waxaa la falgala dagaallo lagu qaado fariisimaha Alshabaab, kii Muqdisho ee sanadkii hore, midkii London ee sanadkan waxaa la qabtay Baydhaba, midkan Addis waxaa la qabtay Ceelasha biyaha iyo Afgooye, kuwa dambe ee dhici doonana guulo kale filo, haddaba weydiinta ayaa ah, maxaa mar walba la isugu soo aaddiyaa shirka iyo guusha? Waa in dunida loo muujiyo in ay wax sodcdaan, ee ma ahan wax Soomaali loogu danaynayo.

Faalladan waxaan ku soo af meerayaa tuducyo ka mid ah Maanso Cabdiraxiim H. Galayr tiriyey oo magaceeda la yiraa: “Gunnimadiid” waxaana ka mida:

Gobonnimo u dirirkiyo
Geesiyaal xornimo jecel
Gobolkii ku caan baxay
Maxaa maanta gaasiray?!

Dar gunnima guddoonshoo
Go’aan aan lahaynoo
Garashana ka dheer tahay
Gef xumaata reebiyo
Guddi xumaha gooya
God la galay wanaag iyo
Gocorraa u soo baxay
Geyigeena Soomaal.

“Go’ee”, maba yiraahdaan
Hadal loo garaaboo
Gacan kama sameeyaan
Ficil guul sameeyoo
Gandi iyo Qaniiniyo
Gabaarreyda Shillntiyo
Gafaniyo Kud weeyaan.

Soomaaliyeey garo
Raggani geeddi maaho
Naga guuri maayaan
Gabannada Sanaawiyo
Iyo madax ku gaadhka
La guddoomiyaashiyo
Gobollada kuwaa jira
Geddigood mid weeyaan!

Haddii guurtideenaa
Golaheena Dhaqankee
Goobta talada laga wacay
Gudahaa dalkeeniyo
Caasimadda guudiyo
Gobolkeena Xamaree
Gorfaynaya xaajada
Guddigaa la soo xulay
Rag garaad leh oo mudan
Garashiyo aqoonna leh
Geesiyaal Wadaniyana
Geyigeena sama bixin
Hadday golaha keenaan
Gacantana u taagaan
Guuli kama sokeeysee
Madaxnimo gudoonshaan
Gobonimo ku doortaan.

Galaaskaa Sanaawiyo
Guddigaa Mahiigee
Giiryaalayaashani
Ka garaabi maayaan
Goobta waxay u haystaan
Geelii adoogood
Geeridiisa dabadeed
Loogu gooyey dhaxalkoo
Tegi maayo gayshkani.

Guddigaa gunnimadiyo
Gacan dhaafka jecelee
Meles u guddoonshoow
Naga guura gebigiin.

Soomaalaay Garaadsada
Geyigiinan gadanee
Gumaystaha Madowiyo
Gaalada Cad laga gaday
Gurmadkiisa gala’oo
U guntada dhamaantiin!

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!