Guddoonka Qaybdiid iyo Guusha Galmudug:Faallo Xasaasiya. ‏WQ: Xasan Yare

by Yahye | Thursday, Aug 2, 2012

Maamulka Galmudug ee xaruntiisu tahay Gaalkacyo, waxaa dhidibada loo taagay 14/8/2006-dii. Madaxweynihii ugu horreeyey waxaa ka noqday Maxamed Cali warsame “Kiimiko” mudane “Kiimiko” xilka wuxuu yahay muddo 3 sano ah, intuu xilka hayay wuxuu wax ka qabaty arrimo badan, oo ay ka mid yihiin: Nabadgalyada, Waxbarshada, Caafimaadka iyo Dhib u dhiska deegaannada uu ka taliyo maamulkaa.

Dhanka kale, mudane “Kiimiko” ayaa abuuray is dhexgal bulsho, shacabka ku nool Maamulka Galmudug hogo tusaaleeyey kala duwanaanshaha maamul ay soo doorteen iyo maamul aysan soo dooran.

Mudane “Kiimiko” wuxuu hoggaanka u qabtay maamul ku dhisan magac ka soo maaxday maanka aqoonyahnnada iyo waxgaradka Reer Galmudug, isaga kala yimid dal iyo dibad.

Ujeedka loo aas aasay Maamulka Galmudug waa in laga baxo dhibaatooyinka ragaadiyay Shacaabka, waxna lala qeybsado Maamullada kale ee Soomaaliya ka dhisan iyo Beesha caalamka oo ay Reer Galmudug ahaadan dad Magac iyo Maamuus ku dhex leh aduunka.

Sanaddii 2009 Bishii 6aad ayaa khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Galmudug, iyagoo baarlamaankii xilligaa jiray ay shaaca ka qaadeen in uu m waqtigii madaxweynaha lana dooron doono hoggaan cusub oo sii wada Maamulka Galmudug, Waxaana arintaa ka biyo diiday mudane “Kiimiko” iyo Xubno katiranaa Golahiisa wasiirrada, kuna dooday inaan la qaban karin doorasho inta ka horrasya bisha bisha August, oo xilligu ugu ekaa maamulkuu hoggaaminayey mudane “Kiimiko”.

Bishii 8aad ee sanaddii 2009, waxaa labo madaxweyne ku kala dhawaqay golaha baarlamaanka iyo Saraakiil katirsan Ahlusunna oo xilligaa qeyb ka ahaa awoodaha ku hardamayey xilka madaxtinimda Galmudug, waxayna labadaa Madaxweyne kala ahaayeen Maxamed Axmed Caalin iyo Axmed Shariif Cali Hilowle oo midba midka kale sheeganayay inuu yahay Hoggaanka Maamulka Galmudug ee si sharciya ku joogo.

Khilaafku waa sii xoogaystay, waxaana meshaa ka baxay adeegyadii shacabka Galmudug ay tabayeen ee uu abuuray Madaxweyne “Kiimiko” taasna waxay keentay in guud ahaan reer Galmudug ay ku mashquulaan xal u helidda arrintan, is jiijiid ka dibse waxaa tanaasulay mudane Axmed Shariif Cali Hilowle.

Bisha 1aad 15keedii sanaddii 2010 ayaa mudane Maxamed Axmed Caalin loo caleema saarayay inuu noqdo Hoggaamiyaha Galmudug, haddaba mudane Maxamed Axmed Caalin muxuu qabtay Maamulkiisii?.

Maalintii Madaxweyne Caalin si rasmiya uu u noqday madaxa Maamulka Galmudug ilaa maanta  waxaa Jiray arrimo badan oo u hirgalay iyo kuwo aan hirgelin.

Shacabka Galmudug ayaa ka filayey maamulka cusub in ay noqon doonaan mid wax ka qabta dib u dhiska deegaannadooda iyo in la furo Dakadda Hobyo oo aan la isticmaalin wixii ka dambeeyay burburkii dowladdi dhexe ee Soomaaliya.

Arrimaha hirgalay waxaa ka mid ah furitaanka laba Jaamcadood, dhinacyada  arrimaha  bulshada, siyaasadda oo ay si rasmiya uga soo dhex muuqdeen, waxqabad badan oo la taaban karo iyo xagal daac labadaba wuu soo maray  maamulkii Caalin madaxda ka ahaa, iyadoo maamulku  wada gaarin deegaannada.

Dhanka ammaanka, in kasta oo aysan jirin ciidamo u taagan sugidda ammaanka deegaannada Galmudug, haddana, ma jiraan dhacdooyin ammaan xumo oo sidaa u sii qara weyn, walow ay jiraan in lagu afduubtay shaqaalo ajaanib ah.

Mar kale ayaa khilaafka soo kala dhexgalay maamulka Galmudug ugu sarreeya, mudane caalin ayaa xilka laga qaaday ka dib mooshin laga keenay oo ay u codeeyeen baarlamaanku, Maxkamadda sare ee maamulkunu waxay xukuntay in go’aanka baarlamaaknku waafaqsanaa sharciga u yaal maamulka, waxaase soo kala dhexgalay odoyaal, lana xalliyey khilaafkii.

Maamulkii mudane Caalin wuxuu la falgalay wadanka oo ay ka dhacayaan isbadallo waaweyn oo dhan walba leh, amni [Burcadbadeed iyo Alshabaab], dhaqaale, dawladeyn iyo soo afjaridda kala guurka ah, wuxuu gacan weyn ka gaystay qorshaha nabadda ee loo yaqaan Roadmap-ka, sidoo kale wuxuu aad ugu dhabar adaygay dhammaystirka Dastuurka qabyo qoraalka ah, oo aan maamulka la’aantood marna dhammaystirmeen.

Dhanka kale, waxaa doorasho loo wada hanwaynaa ka dhacday maamulka Gamudug, ee uu madaxweynaha ka ahaa Mudane Caalin, kana mid ah lixda saxiixayaasha qorsha tubta nabadda ee loo yaqaan Roadmap.

Doorashada waxaa ku guulaystay mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” oo mar soo moqday Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, si isdaba joog ahna u soo ahaa Talyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Xukuumadihii DKMG ahaa soo maray wadan guud ahaan.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” wuxuu ka mid ahaa murashaxiinta ugu cadcaddaa ee u taagnaa qabashada xilka madaxweyne ee maamulka Galmudug, shaqsi ahaan waa mudane isku darsaday aqoon Shibil iyo mid ciidan, wuxuu ahaa Kornayl xagga ciidanka ah dibse loo dallacsiiyey, oo noqday General, sidaa awgeedna ku mutaystay inuu noqda madaxa ciidanka Booliska Soomaalieed muddu ka badan toban sanadood.

Dhanka maamulka iyo maaraynta, wuxuu xil ka soo qabtay xukuumaddii C/rashiid Sharmarke, oo loo dhiibay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, oo uu haayey ilaa xilka iska casilay mudane Sharmarke.

Doorashada mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” loo doortay madaxa maamulka Gamudug waxay ku soo aadday xilli wadanka ka baxayo ku meelgaarlnimo, una gudbayo dawlad daa’im oo ku salaysan nidaamka Federalka, oo la ansixiyey Dastuurkii qabyo qoraalka ahaa, ee wadanka lagu hagi doono afarta sano ee soo socota.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” waxaa looga fadhiyaa inuu hawlo badan oo horyaal wax ka qabto, oo ay ugu horreyso ammaanka, la dagaallanka kooxaha fawda abuuryada ah iyo inuu dib u habayn ku sameeyo maamulka iyo nidaamka Galmudug, siina hormariyo hawlaha dib u dhiska, abuuridda ila dhaqaale iyo wax ka qabashada gargaarka, caafimaadka iyo waxbarashada.

Doorashada mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” waxaa ka hadlay mudane C/raxmaan Faroolemadaxa maamulka Bari, wuxuu yiri: “Waxaan rajeyneynaa maamulka Galmudug inaan is kaalmeysano oo aan gacan isa siino si aan ceebta Soomaaliya uga tirno meeshaas ka shisheysa ilaa Hoboyo, Xarardheere iyo Ceelbuur oo Al- Shabaabku iyo Burcadbadeedu fadhiyaan” waxaa la yiri: “Maroodigu Takarta isaga saaran ma arkee tan kale yuu arkaa!” waxa weeye mudane Faroole ma arki waayey Burcadbadeedda deegaanka Eyl fadhida? Ma arki waayey Argagixisada Buuraha u jira eeSheekha Atam hoggaansho? Maxaa tusay deegannada maamulka Galmudug, muu ku ekaado deegaannada uu ka taliyo?!

Run ahaan mudane Faroole wixiisu waa iga fogee iyo iga dheeree, balse xaqiiqdu sidaa kuma fogaato, oo arrimaha Burcadbadeedka ee maamulkiisu faraha kula jiro waa wax cad,  oo TVyada iyo wargaysyada caalamka yaa ka hadlay, lagu caddeeyey warbixinno ka soo baxay Macaahid ku kala yaal London iyo Washington, haddaba, wuxuu isku soo qaadayaa deegannada maamulka Galmudug?.

Ugu dambayn, bulshada iyo xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa saadaalinaya,  maadaama mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” uu leeyahay hannaan hoggaaamin iyo khibrad ciidan oo weliba  Booliis ah, inuu si weyn wax uga qaban doono dhinaca  ammaanka iyo dhismaha ciidamo tayeysan, waxaa kale oo la saadaalinayaa inuu xiriir wanaagsan ka dhexdhalin doono  maamullada  deegaamada la deriska ah, macquulna ay tahay inuu mideeyo maamullada  gobollada dhexe  ka jira.

Waxaa looga fadhiyaa Madaxweynaha Maamulka Galmudugstate inuu billaabo  waxqabad  dhinac walba ah, Sida: Ammaanka, waxbarashada, Caafimaadka, Shaqo abuurista, abuurana  gebi ahaan adeegyada bulsho ee maamulku u baahan yahay, taasi waxay ku iman kartaa marka uu la tashi rasmi ah la sameeyo bulshada deegaanka, waxgaradka iyo gebi ahaan aqoonyahannada, haddii taasi hirgasho waxaa halkaas ka soo dhex bixi doona  muuqaal iyo hannaan  ku salaysan nidaam dowladeed iyo maamul  wanaag lagu ammaani doono, Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Waa lama huraan, in shacabka deegaankaasi, aqoonyahanka, waxgaradka, Odaya dhaqameedka, haweenka, dhalinyarada, Culumaduba si rasmiya ula shaqeeyaan, maamul aan shacbiyad lahayni  meel ma gaaro.

Waxaan ku soo afjarayaa, Galmudug ma waxay ku ekaan doontaa koonfurta Gaalkacayo mise waxay noqon doontaa maamul ay wadaagaan  gebi ahaan Bartamaha Soomaaliya oo lagu helo negaadi, nabad iyo nidaam dowladeed?.

Waa inuu nabad iyo is fahan iyo wada noolaansho ka dhex abuurto deegaamada ku hareeraysan waxaay hirgelisay nidaamkii loo abuuray, Gobollada bartamaha waxaa dega  Soomaali oo dhan, waana inay helanmaamul midaysan u horseedo gobollada dhexe in ay hal cod, hal cudud iyo hal caqli ugu shaqeeyaan nabadda iyo huromarka.

Waxaana loo baahan yahay in la helo Maamul isu keena oo ay wadaagan  tusaalena u noqda bulshada Soomaaliyeed  oo abuura  nidaam ku salaysan midnimo, sinnaan iyo caddaalad.

Xasan Maxamed “Xasan Yare

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!