Gudiga arimaha dibada baarlamaanka oo ka soo horjeestay safiiro dhawaan la magacaabay

by admin | Sunday, Apr 5, 2015

Muqdisho; HN; — Gudiga Arimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Safiirro dhawaan ay magacaabeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka gudigaasi Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Safiirada la magacaabay aan wax la tashi ah lagala sameyn guddigooda, sidoo kalena meesha aan lagu salayn hanaanka Soomaalida wax ku qeybsato.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in wax wada shaqeyn ah aanay kala dhaxeyn xilligaan wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya, islamarkaana wasaaradda ay la tashi la’aan ku magacawday xubno badan.

Safaaradaha qaar ayuu sheegay in loo badiyay beelo gaar ah, kuwana lagu qadiyay, isaga hanaanka magacaabista uu sheegay in ay haboon tahay in sida dowladda qabiilka loogu qeysaday iyaguna loogu qeybiyo.

Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay magacaabeen safiiro oo uu ka mid yahay safiirka cusub ee Kenya Jamaal Xasan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!