Gudiga arimaha gudaha baarlamaanka oo sheegay shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh. dhexe inuu furmayo june

by admin | Monday, May 11, 2015

Muqdisho HN; -Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in shirka maamulka loogu sameynayo Gobolladaas uu bisha June bilaabanayo.

Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu furmi doono horaanta bisha June ee soo socota.

Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, wuxuu bilaaban doona bisha June ee soo socota, sida uu inoo sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in aan wali la isku afgaran halka uu shirka ka furmayo, hase ahaatee waxaa uu xusay in la rajeynayo in shirka uu furmo bisha June.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa shalay su’aalooyin uga jawaabayay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, isagoo uga warbixiyay qorshayaasha wasaaradiisa iyo waxyaabihii u qabsoomay mudada boqolka maalmood.

Kulamo iyo wada tashiyo la xiriiray howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho iyo meelo kale, iyadoo dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirtay sidii labadaas Gobol maamul loogu sameyn lahaa.

Guddoomiyeyaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe C/fataax Xasan Afrax iyo Cali Guudlaawe ayaa dhowaan arrimaha maamul u sameynta Labada gobol loogu yeeray magaalada Muqdisho, iyadoo la kulmay Mas’uuliyiinta dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa horay u sheegtay in bartamaha sanadkan la dhameystiri doono maamulada harsan, si inta aanu dhamaan sanadkan u hirgalo federaalka iyo maamuladii dalka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!