Gudiga doorashada madaxweynaha maamulka K-galbeed oo lagu dhawaaqay

by Yahye | Sunday, Nov 9, 2014

Baydhabo; HN;- Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta looga dhawaaqay guddiga doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka K-galbeed Soomaaliya oo la filayo in dhowaan lagu doorto isla magaaladaas.

Guddiga oo ka kooban 25 xubnood waxaa laga soo xulay odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka kale ee ka qaybgalaysa shirka, waxaana ku dhawaaqay guddoomiyaha shirka dhismaha maamulka K-galbeed Soomaaliya, Sheekh Saxan Ibraahim (Lug-buur).

Wasiir ku xigeennada wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Ibraahim Isaaq Yaroow iyo Cabdalla Xuseen oo shirka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista guddigan.

Labada wasiir ku xigeen ayaa u mahadceliyey ergada shirka, waxayna ku ammaaneen dadaal iyo hawl-karnimo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!