Gudiga doorashada oo shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashooyinka gudoonka baarlamaanka

by wadani | Monday, Jan 2, 2017

Muqdisho : HN :- Guddiga qaban qaabada doorashada gudoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay xiliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Qoraal ay soo saareen guddiga oo ay warbaahinta heshay ayaa lagu shaaciyay in doorashada gudoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya la qabanayo 11-ka bishan Janaayo, halka gudoomiye kuxigeenada iyana la dooran doono 12-ka Janaayo.

Doorashada guddoonka baarlamaanka kaddib ayaa la filayaa in waqti loo qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!