Gudiga farsamada: Doorashada maamulka K-galbeed waxay dhaceysaa 28-Oktobar

by Yahye | Thursday, Oct 9, 2014

Baydhabo; HN:- Gudiga farsamada maamulka 3-da gobol ee Koofur galbeed ayaa shir aay ku yeesheen ka soo saaray warbino ku aadan maamul u sameynta gobolada koofur galbeed, gudigam ayaa ugu horeyn sheegay in doorasho madaxweynaha ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay 28 bisha Oktobar 2014.

C/qaadir Maxamed Axmed Dhaga-cade oo xubin ka ah gudigaasi ayaa u sheegay warbaahinta inay ku guuleysteen soo xulista ergada iyo dhameystirka dastuurka uu ku shaqeynayo maamulkaasi.

Mr Dhagacade ayaa ka hadlay xiliga la qorsheynayo inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koofur galbeed oo ka kooban gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale C/qaadir Maxamed Axmed ayaa beeniyay warar sheegaya in khilaaf uu ka dhex taagan yahay gudiga maamul u sameynta gobolada koofur galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan masuuliyiin kala matalaya maamulada koofur galbeed Soomaaliya, wallow horay dowlada ay u shaacisay in la dhameeyay qilaafkii maamul u sameynta gobolada koofur galbeed.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!