Gabdhaha maamulka Banaadir iyo Hirshabeelle oo caawa ku kulmaya lugtii ugu danbeysay tartaka K/koleyga

by wadani | Monday, Dec 26, 2016

Muqdisho : HN :-Tartankii Ciyaarta Gabdhaha Kubadda koleyga ee maamul gobolleedyada dalka ayaa soo gaaray heerkii ugu danbeeyay, iyadoo caawa la cayaarayo lugtii ugu danbeysay.

Ciyaarta kama dambeysta ayaa la filayaa in ay caawa ku wada kulmaan ciyaartooy Gabdhaha ka kala socda maamul-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ka soo kala badiyay Kooxaha ku ciyaarayay Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Madax ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa shaaciyay in kulanka kama dambeysta ah la ciyaari doono Caawa, saacadda Magaalada Garowe marka ay tahay 8-da Fiidnimo, kaasoo ay kuwada balansan yihiin Kooxaha Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Gobolka Bnaadir iyo kuwa Maamul-goboleedka Hirshabeelle, waxaana laga filayaa inay soo bandhigaan ciyaar xiiso leh oo ay ka wada helaan daawadayaasha.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!