Gudiga gurmadka abaaraha oo kulan la yeeshay deeq bixiyayaal

by wadani | Thursday, Dec 29, 2016

Muqdisho : HN :-Guddigga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran, ayaa kulan looga hadlaayey dardar gelinta  hawlaha gar-gaar ee ay u baahan yihiin dadka ay Abaaruhu saameeyeen la yeeshay  UNka, deeqbixiyayaasha, iyo hay’adaha caalamiga ah,

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in shirkii ugu horeeyay ee guddiga ay kaga hadleen sidii loo diyaarin lahaa hal qorshe oo lagu wada shaqeeyo,isla markaana loo baahan yahay in waxqabadku uu noqdo  mid ka jawaabaya baahida ay qabaan dadka ay abaarta wax yeeleeyeen..

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  ayaa  sheegay in hay’adaha caalamiga ah oo ay ugu horeeyso UNka loo baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan wax ka qabashada Abaaraha dalka ka jira.

Ugu danbeyntii, Carte ayaa sheegay in shirarka guddiggua uu la yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha caalamiga ah uu sii socon doono inta xal waara looga helayo Abaaraha dalka ku soo noq-noqonaya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!