Gudiga gurmadka abaaraha oo kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Muqdisho

by wadani | Monday, Dec 26, 2016

Muqdisho : HN :-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo isbuucii hore loo magacaabay guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee heer Qaran ee Abaaraha ayaa shirkii koowaad ee guddiga guddoomiyay.

Ra’iisal wasaare ku-xogeenka oo warbixino ku saabsanaa saameeynta abaaraha ka dhageystay Wasiirada dawlad goboleedyada ee ka mid ka ah guddiga ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku baraarujiyay in ay ka qeybgalaan caawinta dadka ay waxyeeleysay abaaraha.

“Waxaa aan baaq u dirayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo aan ugu yeerayo in ay caawiyaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay sida daran u saameeyeen abaaruhu, dhamaanteen waa in aan si deg-deg ah u qaadno talaabooyin midho-dhal ah oo aan uga gudubno xaaladda adag oo kumanaan Soomaali ah ku suganyihiin’’.

Maxamed Cumar Carte ayaa warfidiyeenada u sheegay in guddigu uu diyaarin doono hal qorshe oo ay kuwada howlgali doonaan qeybaha kala duwan ee gacan ka geysan doona gargaarkan.

“Waxa aan rabnaa gargaarkan in uu yeesho hal qorshe si aanay u dhicin in siyaabo kala duwan loo howlgalo; shirkadaha waa-weyn, ganacsatada, bulshada rayidka, iyo hay’adaha caalamiga ah waxa aan ku boorineynaa in ay doorkooda ka qaataan gargaarkan’’.

carteh11 carteh11 carteh11 carteh111

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!