Gudmooyiha gobolka Hiiraan oo booqasho ku tegey deegaanka Deefow

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

B/weyne; HN;- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdifitaax Xasan Afrax iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay booqasho ku tegay deegaanno ka tirsan degmada Baladweyne oo dhawaan colaado ka dhaceen.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan deegaanka Deefoow ayaa sheegay inay goáansadeen inay soo booqdaan meelihii dagaalku ka dhacay iyo dhibaatadu inta eey la egtahay, maamulkiisuna uu ku dadaalo sidii beelaha dagaalamay leysku soo horfariisin lahaa si colaadu u dhamaato nabadgelyana loogu wada noolaaado.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in baaqa aay geeyeen halkaa uu ahaa in colaada la joojiyo, beelahiina weey naga aqbaleen, dhawaana la geli doono dhameynta wadahado fool ka fool ah.

Gudoomiye C/fitax oo taagan buundada Deefoow

Gudoomiye C/fitax oo soconaya buundada Deefoow

Cabdifitaax ayaa xusay in deegaannada lagu dagaallamay ay ka muuqdaan dhibaatooyin baahsan oo ka dhashay colaadda oo u baahan in wax laga qabto, wuxuuna intaas ku daray inay joogtaynayaan kormeerada ay ku tagayaan deegaannadaasi.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan gobolka Hiiraan, degmada Baladweyne, ciidammada qabka sida iyo AMISOM ayaa guddoomiyaha ku wehelinayay kormeerka shaqo, waxayna booqdeen inta badan deegaannada ay ka jirto colaaddu.

Socdaalka guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa taliye ku-xigeenka ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe, isla markaana ah taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Aaga Afaraad ayaa tagay deegaanno ay ka mid ahaayeen Deefoow, Xodda-weglle iyo tuullada Max’uud Gacal oo ay kulamo kala duwan kula qaateen waxgaradka iyo dadka deegaanka.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaannada ay booqdeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha AMISOM ayaa ku eedeeyay ciidamada Liyuu Booliiska in ay qeyb ka ahaayeen dagaalladii ugu danbeeyay ee dhacay .

“Annaga ka maamul ahaan shaqadeena waxaa ay tahay in aynu colaada joojino beellahana la hishiisiiyo wixii intaa dhaafsiisan dabcan baaritaan ayaa lagu sameynayaa” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, wuxuu ku amaanay waxgaradka deegaanadii ay booqdeen sida ay ugu hogaasa-meen xabad joojinta uu maamulka soo jeediyay, isaga oo intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeya loo guda-gallin doono xal u hellida khilaafka labada dhinac iyo in laga wadda hadalo asalka colaada.

Dhawaan ayeey aheyd markii ku dhawaad 40 ruux ay ku dhinteen dagaallo culus oo halkaa ku dhaxmaray xoogag ka tirsan dadka deegaanka iyo ciidammo la sheegay in ahaayeen kuwa dowlad deegaanka Itoobiya ee Liyuu Booliis.

Gudoomiye C/fitaax ayaa isla shalayba dib ugu soo laabtay magaalada B/weyne.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!